Finland oo mar kale adkeyneysa xuduudkeeda si ay uga hortagto magangelyo doonka, Ruushka uga imaanaya

Published: February 10, 2024
Shares30

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Finland ayaa sheegtey in ay si degdeg ah u baaraysasoo laabashada magangalyo-doonka ka imaanaya dhanka xuduuda ay la wadaagto Ruushka.

Xuduudka bari ee Finland la wadaagto Ruushka ayaa weli xiran, waxaana wasaaradda arimaha guduhu sheegtey in ay weli sii xirnaan doonto muddo laba bilood oo kale

Finland ayaa hadda ka fekereysa in wax laga beddelo sharciga magangelyo doonka, sidoo kale xuduudka la adkeeyo oo laga dhiso derbi iyo silig adag oo aan la dhaafi karin.

Sarkaal u haldey wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in la doonaayo dib u fasiridda sharciga hadda yaala, maadaama dalka Ruushku yahay dal amaan ah sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga ka imaanaya dalka Ruushka, sidoo kale sidii loo sameyn lahaa xeryo aysan ka bixi karin qaxootigu oo ku yaala dhulka qaboobaha ah ee waqooyiga si loo yareeyo xiisaha ay u qabaan Finland.

Soomaali badan ayaa si fudud ku helay dal-ku-galka Ruushanka iyaga uu quud-darraynaya in ay ka gudbaan xuduudka Finland taas oo hadda noqotey mid aad u adag kadib markii Finland ay si rasmi ah xiratey xuduudka ay la wadaagto Ruushka.

Horseed Media