Finland oo noqoneysa dalkii 31-aad ee ka mid noqda gaashaanbuurta NATO

Published: April 4, 2023

Calanka Finland ayaa laga taagi doonaa xarunta NATO ee Brussels maanta oo Salaasa ah iyada oo loo qabanayo xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey sida uu sheegay xoghayaha NATO Jens Stoltenberg.

Xafiiska madaxweynaha Finland ayaa sheegay in Finland ay si rasmi ah u noqon doonto xubinimada NATO maalinta Talaadada ah.

Warkan waxaa xaqiijiyay Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, “waxaan soo dhaweyneynaa Finland oo ah xubinta 31-aad.”

Waxa uu u sheegay suxufiyiinta inay “maalin taariikhi ah u noqon doonto NATO iyo Finland”.

Calanka dalkaas ayaa laga taagi doonaa xarunta NATO ee Brussels, taasoo muujineysa inuu noqday xubintii ugu dambeysay ee isbaheysiga militariga. Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa isna goobta ka hadlaya.

Iyagoo ka cabsi qaba in la beegsado ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine sanadkii hore, Finland iyo Sweden waxay ka tageen mawqifkoodii soo jireenka ahaa ee ahaa in markasta dhex-dhexaad laga yahay quwadaha jira. Waxay codsadeen xubinnimada NATO bishii Maajo 2022.

Ogolaanshaha waddan cusub wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha dhammaan waddamada xubnaha ka ah.

Turkiga iyo Hungary ayaa muddo bilo ah hakad ku jiray, laakiin labada baarlamaan ee waddanku waxay ansixiyeen codsiga Finland dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, taasoo meesha ka saartay caqabadii ugu dambaysay ee waddanku ku galayo NATO.

Xubinimada Iswiidhan ayaa weli la sugayaa ansixinta Turkiga sababo la xiriira dhowr qodob.

Finland waxay xuduud dhan 1,300 kilomitir la wadaagtaa Ruushka.

Ajendaha ugu weyn ee NATO oo ku saleysan qodobka 5-aad ayaa ah in la is difaaco haddii dal xubin ah ama dhowr waddan oo xubin ka ah la weeraro. Weerar ka dhan ah waddan NATO ayaa lagu tiriyaa weerar ka dhan ah NATO oo dhan.

Markii NATO la aasaasay, isbahaysigu wuxuu lahaa 12 xubnood oo kala ah: Mareykanka, Belgium, Denmark, France, Iceland, Italy, Canada, Luxembourg, Netherlands, Norway, Portugal iyo Boqortooyada Ingiriiska.

NATO waxaa la aas aasay bilowgii dagaalkii qaboobaa Abriil 4, 1949 si ay Galbeedka Yurub uga ilaaliso khataraha uga imaanaya Midowgii Soofiyeeti. Tan iyo markaas, isbahaysigu wuu koray.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa sheegay in Moscow ay xoojin doonto awooddeeda ciidan ee goboladeeda galbeedka iyo waqooyi-galbeed si ay uga jawaabto ku biiritaanka Finland, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee RIA.

Horseed Media