Firdhiye oo Somaliland uga digey in ay dagaal danbe ku soo qaado deeganadiisa

Published: May 21, 2024
SSC Sool Sanaag iyo Cayn

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal ku qaado deeganada SSC Khaatumo ee uu ka taliyo, Firdiiye ayaa sheegay in arrintaasi cawaaqib xumo ku noqon doonto Somaliland.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada SSC Khaatumo.

“Muuse Biixi hadda wuu soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhig u ahayd “Muusow ciidanka fasax” Muuse hadda wuxuu leeyahay ka bayra waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi haddii uu isku dayo dagaal danbe” ayuu yiri Firdhiye.

Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.

Hadalka hoggaamiye Firdhiye ayaa imaanaya maalmo kadib markii Somaliland ay xustey 18 May, oo ku beean 33 sano ka hor markii ay ku dhawaaqdey in ay tahay dal madaxbanaan.

Jiidaha colaada ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan.

Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an ugu jabey dagaalkii gobolka Sool 25 Agosto, waxaana Laascaanood ku xiran maxaabiis ku dhaw 400 oo askeri oo laga qabtey cidamada Somalailand.

Somaliland waxay isu diyaarineysaa doorashada Madaxweynaha oo ay ka dhimantahay 5 bilood oo keliya.

HORSEED MEDIA