France: Dad ku dhaawacmay Rasaas ka dhacday goob uu ku sugnaa Madaxweyne Hollande – VIDEO

Published: March 1, 2017

Ugu yaraan labo qof ayaa Salaasadii shalay ku dhaawacantay rasaas ka dhacday goob uu ku sugnaa Madaxweynaha Faransiiska Md.Francois Hollande.

Madaxweyne Hollande ayaa ku sugnaa xaflada furitaanka Khadka tareenka dheereeya ee magaalada Villognon oo ku taal gobalka Charente koonfurta dalkaasi Faransiiska.

Xili uu khudbeenayey Madaxweynaha ayaa la maqlay xabad goobta ka dhacday, waxaana la sheegay in xabada ka fakatay mid kamid ah illaalada ciidamada goobtaasi ku sugnaa.

Xabada ayaa dhaawacday labo qof oo ku sugnaa qeybta ay fadhiyeen dadka VIP-da ah ee aan ka fogeyn halkuu taagnaa Madaxweynaha. Balse arrintan ayaan dhalin wax cabsi ah, wuxuuna Hollande wax yar kahiyey khudbadiisa isagoo markii danbe sii watay hadalkii uu halkaasi ka jeedinayey.

Booliiska ayaa sheegay in mid kamid ah askartooda kuwa meesha fog wax ka toogta oo saarnaa mid kamid ah daaraha goobtaasi ku hareeraysan ay ka fakatay xabada, waxaana lagu wadaa baaritaan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *