France: Dowlada oo xakameenaysa Masaajidada dhaqaalaha ka hela dunnida Islaamka – VIDEO

Published: January 20, 2017

Dowlada Faransiiska ayaa hirgelinaysa Hay`ada qaabilsanaan doonto mashaariicda Masaajidada iyo xarumaha Islaamka uu ku leeyahay dalkaasi.

Mashruucan oo uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in lagu xakameyn doono dhaqaalaha badan ee Masaajidada dalkaasi ka helaan dalalka Islaamka sida Marooko, Sucuudiga, Turkiga iyo Aljeria oo malaayiin lacago ah ku bixiyey kumanaan masaajido ah oo dalkaasi laga hirgeliyo.

Dalka France oo ah wadanka ugu Muslimiinta badan Qaarada Yurub ayaa tan iyo intii ay ka dhaceen weeraro ay geysteen kooxaha Daacish iyo Al Qacida cadaadis xoogleh saaray xarumaha Muslimiinta iyo Masaajidada lagu tuhunsan yahay inay maamulaan shaqsiyaad lagu tilmaamay inay taageersan yihiin xagjiriinta.

Tan iyo sanadkii 2014 waxaa wadanka France iridaha la isugu laabay 82 masaajid oo wadankaasi ku yaal oo ay Xukuumada France ku eedaysay inay ahaayeen xarumo ay isku aruursan jireen dadka ay ku tilmaameen xagjiriin khatar u ah amniga wadanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *