France: Macron oo sheegay in lagu been abuurtay!

Published: November 2, 2020

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa iska fogeeyey eeda ah inuu aflagaadeeyey diinta Islaamka isagoo sheegay in laga been sheegay hadaladiisa oo la bedalay.

Macron ayaa ku dooday inuu isaga xushmad weyn u hayo diinta Islaamka, balse uu la dagaalamayo kooxaha xagjirka ah ee magac-xumada usoo jiidaya diinta Islaamka, waa siduu hadalka u dhigayee.

Madaxweynaha Faransiiska oo wareysi siiyey Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in ay jiraan kooxo doonaya inay iska horkeenaan dunnida islaamka iyo France, arrintaasi oo uu eedeeda dusha uga tuuray dadka uu sheegay inay hadaladiisa badaleen.

“…Aniga ma taageersani sawirada jaraa’idka daabaceen, balse sharciga dalka France u yaal ayaa ah in qof walba xor u yahay wuxuu doono inuu aamino ama daabaco…” ayuu yiri Macron oo sheegay in uusan isagu xukumin jaraa’idka dalkiisa kasoo baxa.

“…Wadankan warbaahinta ka jirta cidii ay doonaan ayey wax ka sheegaan, diinta Kirishtaanka, diinta Yahuuda, madaxda dowlada, taasi waxaa u fasaxaya sharciga dalka balse micnaheeda maaha inaan ku taageersanahay in dadka la aflagaadeeyo…” ayuu yiri Emmanuel Macron oo sheegay in Muslimiinta ku nool France ay yihiin kuwo leh xaquuq taas lamid ah oo aan cidna ku xadgudbi karin.

Wareysiga Macron ayaa u muuqday mid uu hogaamiyaha France doonayo inuu ku qaboojiyo xiisada ka dhalatay dunnida Islaamka ee looga soo horjeedo sawiradii dhawaan lagu daabacay joornaal kasoo baxa dalkaasi iyo waliba hadalo kasoo yeeray Macron laftiisa.

Mar wax laga weydiiyey sharciga cusub oo uu soo rogayo ee lagu sheegay in dowlada uga hortageyso kooxaha gooni-u-goosadka ah ayuu sheegay in sharcigan uu yahay oo kaliya mid lagula dagaalamayo kooxaha fikirkooda ku taageera falalka argagaxisada ah.

“….Waxaa jira dad ku gabanaya diinta islaamka oo caruurta ka dhaadhiciya inay iska xooraan sharciga dalka France u yaal oo ku xad-gudbaan dadka ay la nool yihiin sida inay weeraro geystaan…dadkan waa kuwo lamid ah Al Qacida iyo Daacish fikirkooda kaliya dhibaato kuma ah dadyowga kale balse dhibaatada ugu weyn waxay u geystaan isla muslimiinta…waa lama huraan inaan dadkaas meel uga soo wada jeesano…” ayuu yiri Macron oo sheegay in isaga uu dhex dhexaad u yahay dhamaan dadka ku nool France ee diimaha kala gedisan heysta hawshiisa oo kaliya ay tahay in sharciga iyo amniga dalkaasi la dhowro.

“…Masaajidka ugu weyn oo ugu quruxda badan ayaa bartamaha Caasimada Paris laga dhisay oo aan ku taageernay…Muslimiinta waa qeyb kamid ah France ma jirto cid ku xad gudbi karta ee waxa doonaya in bulshada la iska horkeeno waa kooxaha xagjirka ah…” ayuu yiri hogaamiyaha France.

Sidoo kale xiisada ka dhex taagan France iyo Turkiga ayuu sheegay inay salka ku heyso khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Erdogan iyo dalalka Yurub ee ku aadan siyaasada arrimaha dibada ee hogaamiyaha Turkiga.

“…Turkiga waa dal aan si weyn u qadarino balse qorshaha Erdogan oo uu doonayo inuu ku cadaadiyo dalalka Giriirga iyo Qubrus waa mid taabaneysa Midowga Yurub, sidoo kale jabinta cunaqabateynta hubka ee saaran Liibiya waa mid jabineysa heshiiskii aan ku galnay Berlin….dhamaan arrimahaasi aan ku kala fikir duwanahay waa mid aan ka wadahadli karno ee maaha in warbaahinta aflagaado iyo cay la isu mariyo, anagu nabad iyo wadahadal baa dooneynaa…” ayuu yiri Macron oo markii ugu horeysay bixiyey wareysi uu doonayo inuu kula hadlo dunnida Islaamka oo maalmahan si weyn u saameysay ololaha ka dhanka ah Faransiiska.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *