France: Waxaan dilnay hogaamiyihii Al-Qacida ee Galbeedka Afrika

Published: June 6, 2020

Militariga Faransiiska ayaa sheegay inay dileen hogaamiyihii kooxda ISLAMIC MAGHREB (AQIM) Abdelmalek Droukdel.

Hogaamiyahan iyo qaar kamid ah xubnihii ku dhawaa ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Faransiiska ku qaadeen xarun uu ku sugnaa oo ku  taal Waqooyiga dalka MALI oo ay ka hawlgalaan xoogaga AQIM ee hoostaga kooxda Al Qacida.

Abdelmalek Droukdel oo ahaa khabiir dhanka Farsameynta Qaraxyada, ayaa asal ahaa u dhashay dalka Aljeriya, waxayna Maxkamada Aljeriya ku xukuntay dil sanadkii 2013, isagoo lagu eedeeyey inuu abaabulay weeraro bambaano oo lala beegsaday xarumaha dowlada Aljeriya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee dalkaasi, weeraradaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 26 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 177.

Kooxda AQIM ayaa markii hore kamid ahaan jirtay xoogaga Islaamiga hubeysan ee la dagaalamayey dowlada Aljeriya sanadihii 90aadkii, sanadkii 2007 ayey kooxdan ku biirtay shabakada Al Qacida oo uu xiligaasi hogaaminayey Osama Bin Ladin.

Sirdoonka Militariga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay gacan kasiiyeen militariga Faransiiska xogta la xariirta goobta uu ku dhuumaaleysanayey hogaamiyaha la dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *