FRANCE: Weerar lagu qaaday waddooyinka tareenada kahor furitaanka ciyaaradaha Olombikada

Published: July 26, 2024

Kooxo aan la aqoon ayaa dab qabadsiiyey isgaarsiinta wadooyinka tareenada ee Faransiiska, weeraradan isdaba joog ah ayaa lagu soo beegay saacado kahor furitaanka ciyaaraha Olombikada ee ka dhacaya magaalada caasimada ee Paris.

Weeraradan ayaa sababay khal khal ku yimid khadadka tareenada ee ugu mashquulka badan waddankaasi, arrintan oo xoojisay walaaca amni kahor xafladda furitaanka Olombikada oo caawa ka dhaceysa Paris.

Shirkadda tareenada SNCF oo ay dawladdu leedahay, ayaa sheegtay in kooxaha qas-wadayaasha ahi ay waxyeeleeyeen sanaadiiqda isgaarsiinta ee ku teedsan khadadka isku xidha Paris iyo magaalooyinka sida Lille ee woqooyiga, Bordeaux ee galbeedka iyo Strasbourg ee bariga dalkaasi. Weerar kale oo lagu qaaday khadka Paris iyo Marseille ayaa la fashiliyay.

Falkan ayaa caqabad weyn maanta ku noqoday isu socodka dadweynaha.

Burburinta isgaarsiinta tareenada ayaa dhacday iyadoo Faransiisku uu qaaday hawlgal ballaaran oo ammaan oo ay ka qayb qaadanayaan tobanaan kun oo booliis iyo askar ah si ay caasimadda u ilaaliyaan inta ay socdaan ciyaaraha.

Horseed Media