Gaadiid lagu gubay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Published: December 22, 2019

Laba gaari oo xamuul ganacsi siday ayaa waxaa fiidnimadii xalay lagu gubay xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, wax yar uun ka dib markii ay u tallaabteen gudaha Kenya.

Gaadiidkan oo agabyo ganacsi ka qaaday gudaha Soomaaliya ayaa ku sii jeeday Gobolka Waqooyi Bari Kenya, balse waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Militariga Kenya ee xuduuda ka hawlgala.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay dab qabadsiiyeen gaadiidkaasi iyo xamuulkii saarnaa, oo ay iska leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Kenya oo roondo ku guda jira ay wadada kula kulmeen gaadiidkaasi, isla-markaana ay dab qabadsiiyeen.

Ciidamada Kenya ayaa dhawr goor oo hore sidaan oo kale dab u qabadsiiyay gaadiid xamuul ganacsi ka qaaday Soomaaliya, sababo ku aadan Kenya oo ka digtay in badeecado aan tayadooda la hubin laga keeni karin Somaliya, waxaana tallaabadan loo arkay mid lagu baqdin gelinayo ganacsatada, si aanay gudaha Kenya u soo gelin ganacsiga laga keeno Somaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *