Gaalkacayo: Kooxo Burcad-badeed ah oo Caawa Saldhigga Booliska Weeraray

Published: February 20, 2012

Kooxo Burcad-badeed ah ayaa caawa weerar ku qaaday saldhigga dhexe ee Booliska degmada Gaalkacayo.

Kooxahan oo iska hor imaad koobani uu dhex maray iyaga iyo ciidamadii Booliska ahaa ee saldhigga joogey ayaa xoog kula baxay nin Burcad-badeed ah oo ay ciidamada ammaanku maanta soo xireen.

Taliyaha saldhigga Booliska ee degmada Gaalkacayo Shiil Maxamuud Faarax oo Horseed Media goor dhow khadka telefoonka ugu waramay ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen.

Wuxuuna sheegay in koox Burcad-badeed ah oo wata dhowr gaari kuna hubeysan qoryaha dardarooriga u dhaca ee AK-47 iyo PKM ay caawa abbaare 9:00-kii fiidnimo saldhigga soo weerareen.

Taliye Shiil wuxuu sheegay in ciidamadii Booliska ahaa ee saldhigga joogey ay isku dayeen inay dableydaas iska caabiyaan haseyeeshee laga awood roonaaday islamarkaana ay Burcad-badeeda u suurta gashay inay u fusho ujeedadii ay weerarka usoo qaadeen.

Ma jiro wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay haseyeeshee rasaasta ay labada dhinac isku ridayeen oo ahayd mid qadar daqiiqado ah socotey ayaa argagax ku rigey bulshada magaalada Gaalkacayo gaar ahaan dadka degen xaafadaha ku dhow goobta oo saldhigaasi ku yaal.

Ma ahan markii ugu horeysey oo ay kooxo Burcad-badeed ahi weerar ku qaadaan saldhigga Booliska ee Gaalkacyo, waxayna arintani daba socotaa falal ammaanka liddi ku ah oo ay kooxaha jirri badeeda ahi mudooyinkii u danbeeyey magaalada Gaalkacayo ka geysanayeen.

Axmed Maxamed Cali [Caano-geel]
Horseed Media
Gaalkacayo