Gaalkacayo: Meydadka dhowr qof oo saaka lagu arkay xaafadda Baraxley

Published: February 3, 2012

Meydad badan ayaa saaka lagu arkay xaafada Baraxley ee magaalada Gaalkacayo meel u dhow dhinaca Galmudug iyo dowlada Puntland ay soohdinta ka leeyihiin.

Meydadkan oo ay tiradoodu 5-tahay ayaan ilaa iyo hada si cad loo aqoonsan cida dilkooda ka danbeysey iyo sababta loo laayey intaba, waxaana dhacdadan Horseed Media u xaqiijiyey weriye Jibriil Xaashi Cali oo ku sugan Gaalkacayo dhinaca Galmudug.

Dhinaca kale warar hordhac ah oo ay Horseed Media heshay ayaa sheegaya in dilka 5-tan nin ay ka danbeeyeen Mileeshiyo ay isku hayb yihiin Col. Qaybdiid oo 3 beri kahor guriga uu Baraxley ka degen yahay qarax is-miidaamin ah lala eegtay.

Ragga la laayey oo uu ku jiro nin ganacsade ah oo magaalada Gaalkacayo dhinaca uu maamulka Galmudug ka arimo caan ka ahaa ayaa la diley xalay saqdii dhexe kadib markii laga soo qaqabtay guryaha ay degenaayeen iyo goobahooda shaqada.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay inay arintan ku lug lahayd, waxaase jira baaritaano lagu raad goobayo dadkii falkaas geystey oo ay wadaan ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug.

 

Horseed Media