Gaalkacayo: Tartan kubadda cagta ah oo lasoo gaba gabeeyey [Sawiro]

Published: February 27, 2012

Ururka horumarinta cayaaraha gobolka Mudug ayaa soo afmeeray laba tartan ciyaareed oo ka socday in mudo ah magaalada Gaalkacyo.

Tartamadan ayaa kala ahaa koobab loo qabtay dhalinyarada heerka 2aad iyo heerka 3aad oo dhamaan toodba ka tirsan kooxaha hoostaga kooxaha uu gacanta ku hayo ururka horumarinta cayaaraha .

Gudoomiyaha ururka horumarinta cayaaraha gobolka Mudug Maxamed Cabdalle Aadan ayaa soo xiray labadan tartan ciyareed oo socday mudo ku dhawaad 1 sano waxaana uu sheegay in mudada uu socday koobkan ay ugu tala galeen caruurta da’ada yar ee dhigta iskoolaadka iyadoo koobabkan la ciyaari jiray maalmaha khamiista iyo jimcaha .

Gudoomiyuhu waxaa kaloo uu sheegay in kooxaha gacanta haatan ay ku hayaan tiradooda ay dhan tahay 25 koox oo heerka 2aad ah iyo 20 koox oo heerka 3aad ah iyadoona ay jiraan tira intaas le’eg oo haatan la abuurayo .
Ugu danbaytii waxaa iskugu soo haray tartamadan .

Heerka 2aad . Kaanbo vs Faleenbo waxaana ku guulaysatay kooxda Faleenbo 2-3

Heerka 3aad Kaanbo vs Kaamka buula Bacley waxaa ku guulaysat Kaambo 5-3

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland