Gaalkacyo: Shirkada Somali Drilling Crop oo ku Guulaysatay Qodista Ceel-biyoodkii 6-aad [Sawiro]

Published: February 16, 2012

Shirkadda biyaha magaalada Gaalkacyo ee Galwa ayaa soo afmeertay qodista ceelkii 6-aad oo ka mid ah ceelasha ay magaalada Gaalkacyo dadka ku nool ka helaan adeegga biyaha .

Maareeyaha shirkada biyaha ee Gaalkacyo Fuaad abshir Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dadaal badan ay ku bixiyeen qodida Ceelkan si uu u buuxiyo Baahida Biyaha ee Magaalada Gaalkacyo ka jirta, iyadoo horay ay Celado kala duwan u soo gaareen Ceelashii ay shirkadu magaalada biyaha ka siin jirtay.

Qodista ceelkan ayaa waxaa ku guulaysatay shirkada qodosta iyo dayactirka ceelasha Soomaliya ee ( Somali Drilling crop) oo fadhigeedu yahay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug waxaana ay ku qaadatay mudada ay ceelkan qodaysay shirkadu sida uu sheegay maamulaha shirkadan maxamuud cabdi yare 15 casho oo kaliya.

Mudane maxamuud cabdi yare ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan ceelal dhawr ah oo ay ka qodeen magaalooyinka iyo dhulka miyaga ah ee gobolka mudug isagoona ku daray in haatan ay hayaan dalabaad kale oo ay dhawaan qodi doonaan.

Shirkada qodista iyo dayactirka ceelasha ayaa ee somali Drilling crop ayaa ka mid ah shirkadihii sida weyn uga qayb qaatay samata bixinta dadkii ku abaaroobey baadiyaha gobolka Mudug iyo qaar ka mid ah deegaanada gobolada dhexe ee Soomaliya .

Dhamaan shacabka ku nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad u soo dhaweeyay dhamaystirka ceelkan cusub oo ay qodotay shirkada biyaha ee Gaalkacyo (Galwa) waxana ceelkan uu haqab tiri doonaa baahida loo qabo biyaha oo waayadan aad u yarayd iyo ceelasha shirkada oo ahaa ku aan ku filnayn bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .

 

Axmed Caano-Geel

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland