Gaalkacyo: Ururka GECPD oo Qabtay Munaasabad Ku Aadan Xuska Maalinta Joojinta FGM-ka [Sawiro]

Published: February 7, 2012

Xarunta waxbarshada iyo hormarinta nabadda ee magaalada Gaalkacyo ayaa munaasabad balaaran oo lagu xusayay maalinta cirib tirka gudniinka Gabdhaha 6/Feb. waxay ku qabteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof oo iskugu jira Rag iyo Haween iyo ururada dhalinyarada gobolka Mudug ayaa waxay si heer sare ah uga dhacday barxada xarunta waxbarshada iyo hormarinta nabadda ee (GECPD) Gaalkacyo.

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas furay kana warbixisey ujeedooyinkeeda Xaawo Yuusuf Axmed oo ka tirsan ururka GECPD, waxayna sheegay inay tahay sidii loo muujin lahaa bulshadana loogu soo badhigi lahaa dhibaatooyinka uu gudniinka gabdhuhu leeyahay iyadoo tilmaamtay in gudniinkaasi uu yahay mid aan diinta Islaamku ogoley.

Sidoo kale Marwo Xaawo Yuusuf Axmed ayaa aad u soo dhawysay go’aankii ay dawlada puntland ku joojisay gudniinka gabdhaha iyadoo aad ugu mahad celisay madaxweynaha Puntland mudane Cabdiraxmaan Faroole Dadaalkii uu ugalay joojinta gumaadka haweenka Puntland.

Deeqo Warsame Cabdi oo iyana ka socotey xafiiska wasaarada haweenka ee gobolka Mudug ayaa goobta ka hadashay waxayna ku dheeraatay dhibaatooyinku uu gudniinku dhaxalsiiyo gabdhaha iyadoo intaas raacisey in dhowrsoonaantu aysan ku jirin in gabadha la jar jaro lana waxyeeleeyo balse ay ku jirto in wax la baro si ay xumaanta uga fogaato.

Deeqo waxaa kaloo ay ka sheekaysan dadaalkii dheeraa ee ay wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Punland u gashay jojinta aafadaan loo gaysto haweenka iyadoona sheegtay in ay kala kulmeen dhibaatooyn fara badan intii lagu guda jiray soo afjarida gudniinka gabdhaha .

Taliyaha saldhiga dhexe ee Gaalkacyo Cabdulaahi shiil ayaa isna Munaasabadan ka hadlay waxaana uu tibaaxay in ay diyaar u yihiin la dagaalanka shakhsiyaadka sameenaya gudniinka gabdhaha isla markaana sharciga ay horkeeni doonaan cidii lagu qabto iyadoo kuguda jirta falkaan la mamnuucay.

Taliye Shiil ayaa intaas raaciyay in uu u hanbalyeeynayo dadaalkii ay galeen gabdhaha reer puntland ee ku aadanaa helida xaquuqdooda iyo soo afjarida dhibaatooyinka lidka ku ah haweenka puntland oo mudo aad u fog ka had;lijiray heli xaquuqdooda gaarka ah .

Ugu danbaytiina waxaa soo afmeeray munaasabadan qaar ka mid ah gabdhaha wax ka barta xarunta GECPD oo soo jeediyay geeraaro ay kaga hadlayaan dhibaatooyinka uu gudniinku dhaxalsiiyo gabdhaha iyo Hanbalyo ay u dirayaan madaxweynaha iyo baarlamaanka dawlada puntland .

 

Axmed Maxamed Cali [Caano Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland