Gaalkacyo: xaflad ka dhacday Jaamacdda Puntland University Science and Technology [Sawiro]

Published: February 14, 2012

Kuliyada caafimaadka Jaamacada Puntand University Science and Technology ayaa lagu qabtay xaflada lagu xirayey semester-ka 1aad isla markaana lagu soo dhaweynayey aradayda cusub ee sanadka 2012/2013.

Goobtaas ayaa ardaydii semeterka dhameeyey waxay u fadhiyeen imtixaan, Imtixaanka ayaa ahaa mid macalimiintu dusha ka ilaalinayeen waxaana lagu galayey fasalada aqoonsi u gaar ah jaamacada iyo Sawirka ardayga Imtixaanka u fariisanaya.

Ardaydaan ayaa jaamacada ka barta culuumta kala duwan ee nooluhu u baahan yahay sida caafimaadka ,Engineering , iyo takhakhusyo kaladuwan ee nolosha aadanaha qiimo wayn ugu fadhiya.

Xafladaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta jaamcada macalimiin ,arday waalidiin bahda saxaafada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa waxaa dadkii halkaas kahadlay kamid ahaa gudoomiyaha Jaamacada Puntalnd University Science and Technology Mudane.

University Science and Technology wuxuuna intaa ku daray in dhibaatooyin badan ay jaamacadu u soo dhabar adegtay oo ay diyaar u yihiin in wadciga dalku ku jira kushaqeeyaan iyaga oo kaashanaya bahda waxbarasahda iyo macalimiinta oo u sheegay inay yihiin kuwo qurbaha wax ku soo bartay wuxuu sidoo kale ardayda kudhiirigaliyay baahida loo qabo xirfadlayaal caafimaad oo bulshada kahaqabtira baahida caafimaad ee kajirta dalka .

Waxaa Sidoo kale lagu soo dhaweeyey madasha inuu hadaladiisa ka dhaho Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Bashiir Axmed Khalaf, Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqay jaamacad PUST shaqada ay u hayso bulshada, asaga oo jaaliyadaha Puntland iyo dawlada Puntlandba ugu baaqay inay bahda waxbarashada garab istaagaan, sigaarana PUST ooga warqabaan.

Waxaa sidoo kale goobta kahadlay Xasan Axmed Xuseen- ku simaha guddoomiyaha (Acting Administrator) ahna u qaybsanaha xiriirka bulshada ee PUST (Public Relations and Programs Manager). Oo sheegay jaamacadaha banaanka ah ee ay xiriirka laleeyihiin isaga oo kudheeraday qeybta E-learning ka oo toos ugu xiran jaamacado badan oo India Kuyaal. Wuxuuna waxbarashada ku tilmaamay wax kaliye ee bulsahada lagu bedeli karo. Jaamcaduna waxay qeyb weyn ka qadan doontaa in dalku helo dhalinyaro Mutacalimiin ah oo waqtiga ay wax barteen uu la jaanqadi karo tachniloogiyada casriga ah oo ay dunidu marayso.

Dr Ahmed Huruuse Xaashi Hormuudka kuliyada caafimaadka ayaa aad ugu mahadnaqay musuuliyiinta ka soo qaybgalay xaflada, hormuudka ayaa cadeeyey in semesterkii tagay ahaa mid guul ku dhamaaday, ardayda tiradooduan aad u kordhayso, macalimiinta dhiga kuliyadana yihiin Dhakhatirta magaalada. Dr: Huruuse ayaa ka hadlay faaidada waxbarashadu leedahay iyo sidii ey reer Puntland uga faaiideysan lahaayeen fursadaas qaaliga ah. Dr: Ayaa Balan qaaday inay jaamacadu la shaqeyn doonto wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo bahda waxbarashada kashaqeysa

Mohamed Ahmed

Gaalkacayo