Karkaar: Gaari shalay laga qabsaday deegaanka Baar-madow oo maanta lasii daayey

Published: February 5, 2012

Maamulka degmada Xaafuun iyo waxgaradka degmooyinka Laamiye iyo Baar-madow ayaa ku guuleystey in la sii daayo gaari ay shalay mileeshiyo deegaanka ka tirsani ku qabsadeen agagaarka Baar-madow oo ah deegaan hoos taga degmada Xaafuun.

Duqa degmada Xaafuun Maxamuud Yuusuf Garow (Booli-wade) oo Horseed Media lasoo xiriiray ayaa beeniyey in dadkii shalay gaarigaas oo Land-Crusier ah qabsaday ay Burcad badeed ahaayeen kana yimaadeen deegaanka Xaafuun.

Mudane (Booli-wade) wuxuu sheegay in dadka gaarigaas oo xiligii la qabsanayey ay la socdeen isaga iyo wefdi kale oo magaalada Qardho ka tegey kuna sii jeedey degmada Bayla ay kaxaysteen dhalinyaro ka yimid deegaanka (laamiye) kuwaas oo ka caraysnaa mashaariic deegaankooda laga xanibay kadib markii ay diideen inay cashuurta bixiyaan.

Duqa Xaafuun wuxuu ugu danbeyntii sheegay in waxgaradka deegaanka Laamiye iyo maamulka degmada Xaafuun oo iskaashanayaa ay ku guuleysteen inay soo celiyaan gaarigii shalay la qabsaday oo ah nooca Soomaalidu (Layla-Calaawida) u taqaan iyo hal qori oo AK-47 ah.

Degmada Xaafuun waxay kamid tahay degmooyinka ku guuleystey mashaariicda horumarinta degmooyinka ee JPLG, mashaariicdaas oo ay heleen in badan oo kamid ah magaalooyinka ku yaal xeebaha fog fog ee Puntland, deegaanka Laamiye oo degmada Xaafuun laga maamulo wuxuu nasiib u yeeshay in laga hirgeliyo mashruuc biyo gelin ah kaas oo qayb ka ah mashaariicda JPLG ee ay degmada Xaafun ku guuleysatey.

 

Horseed Media