Madaxweyne Gaas:Ma Dhacdo Qof Aan Dambi Gelin in Saxiixayga Lagu Dilo.

Published: March 5, 2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii u horraysay ka hadlay tacdiyo iyo jirdil la sheegay in lagu sameeyo dhalinyarada lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab si ay u qirtaan dambiyadooda.

Waraysi uu siiyay VOA ayuu ku sheegay in ayan marnaba ka dhicin Puntland in Jirdil lagu sameeyo qofdambi galay ama lagu tuhunsan yahay, islamarkaana uusan weligii ogolaan doonin in tacdi lagu sameeyo qofna si uu qirto dambigiisa

“marna ma dhicin, saxna ma aha, mana la ogolaanayo wax tacadi la yiraahdo iyo jirdil lagu sameeyo inuu hadlo dee sax ma ah amarkaasna waa qabaan cidaamaduna waa u tababaran yihiin, sabatoo ah cidkastaa ma baarto arrimaha Al-shabaab, dad gaar ah howshaas qabta ayaa jira ama ha noqdaan ciidamayada Nabad-sugida ama ha noqdaan booliiska ma dhacdo mana aqbalayno” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay in mudaddii uu xilka hayay in dil lagu fuliyay labo qof oo kaliya oo ku eedaysnaa falal argagixisnimo, islamarkaana aad looga taxadaro in qof aan dambi lahayn lagu fuliyo dil.

“ka madaxweyne ahaan qof islaam ah oo aan dambi gelin in saxiixayga ku dhinto oo gardaro lagu dilo sax ma aha, sababtoo ah anniga aduunyo iyo akhiraba aniga wax laga i waydiinayaa, mana dhaco waana ka taxadarnaan” ayuu yiri

Gabagabadii, Madaxwweynuhu wuxuu ka hadlay halka ay ku dambeeyeen Dagaalyahanadii iyo dhalinyaradii Al-shabaab ee lagu soo qabtay dagaaladii Suuj, Garmaal iyo Garacad, wuxuu sheegay in qaarkood maxkamad la saaray oo la xukumay, qaarkood oo da`doodu yarayd lagu wareejiyay qaramada midoobay oo lagu dhaqan-celiyo xarunta Elman ee Magaaladda Muqdisho.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *