Gabar dhalinyaro aheyd oo lagu diley Magaalada Muqdisho

Published: April 19, 2023
Shares2

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa maanta xaafada Jungal oo katirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ay ku diley Gabar dhalinyaro aheyd oo lagu Magacaabi jiray Nicmo Cabdraxmaan.

Alle ha  u naxariistee marxuumadan ayaa kamid aheyd Shaqaalaha Isbitaalka Madiina ee magaalada muqdisho, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkeeda

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga la dilayay Nimco ay ku wajahneyd Goobteeda Shqada, waxaana weli la oeyn cidda ka dambeysa dilkeeda iyo sababta loo dilay intaba.

Laamaha Amniga gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dilka Nimco, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay siweyn u adkeysay amniga Magaalada.

Horseed Media