Gacan-yaraha Cabdiraxaan Cabdishakuur oo gaarigiisa qarax loogu xirey

Published: June 3, 2023
Shares40

Subaxnimadii maanta oo Sabti ah waxaa bob ku qarxay gaari uu watey nin lagu sheegay in uu xoghayn u yahay ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha abaaraha Xil. Cabdiraxman Cabdishakuur, gacan yaraha ayaa magiciisa lagu sheegay Axmed Garaar. Wararku waxay sheegayaan in qaraxa horey loogu xirey gaariga, waxaana uu maraayey wadada Maka al-mukaramah.

Xoghaynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee gaarigiisa qaraxa lagula eegtay ayaa dhaawac soo gaarey waxaana hadda lagu daaweynayaa isbitaalka.

Laamaha amniga ayaan weli ka hadlin qaraxa lala eegtey xoghaynta siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maanta uu Muqdisho ka furmaayo kalfadhigii baarlamaanka federaalka oo lagu furaayo mooshin wax looga bedalaayo dastuurka federaalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi aan aragtidiisa la gabban, waxaana uu dhawaan ka horyimid heshiis siyaasadeedkii Golaha Madasha Qaranku ay muddo kororsiga ku samaysteen, sidoo kale ku heshiiyeen in la beddelo qaab dhismeedkii dowladda Soomaaliya ee shirarkii dib u heshiisiineed lagu gaarey.

Horseed Media