Galdogob: Khasaare hantiyeed oo ka dhashay dab ka kacay kaalin shidaal

Published: December 16, 2022

Dab ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla bartamaha suuqa Degmadda Galdogob ee Gobolka Mudug.

Dadaalo badan kadib waxaa lagu guuleystay inay la damiyo dabka oo aan la ogayn waxa sababay ilaa hadda.

Khasaare hantiyeed oo kala duwan ayaa ka dhashay dabkan ka kacay kaalinta shidaal  ee degmada Goldogob.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo illaa iyo haatan laga weriyey inuu sababay dabkaasi.

Horseed Media