Galgaduud: Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay deegaanka Wabxo

Published: November 9, 2022
Shares56

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay si nabad ah gacanta ugu dhigeen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Al-shabaab maamulayeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Gen. Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadu xalay magaalada Wabxo gudaheeda iyo bannaankeeda ka sameeyeen howlgal miino baaris ah.

Gen. Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu la wareegeen tuulada Warxoolo iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.

Afhayeenka Wasaaradda wuxuu tilmaamay howlgalka lagu xoreeyay Wabxo inuu qeyb ka yahay mid lagu xoraynayo deegaannada Galgaduud ee gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 24saac ee lasoo dhaafay ku guulaystay inay xorreeyaan hoos yimaada gobolka Galgaduud, waxayna hadda isku diyaarinayaan magaalada Ceelbuur oo kamid ah deegaannada muhiimsan oo Al-shabaab gacanta ku hayaan.

Horseed Media