Galmudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Xarardheere iyo Galcad

Published: January 16, 2023
Shares72

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr maalmood kahor ka baxday degmadaas, kadib sanado badan oo ay gacanta ku haysay.

Sidoo kale, ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Galcad ee gobolka Galgudud.

Galcad ayaa ku taal dhinaca Koonfureed ee gobolka Galgudud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho.

Qabsashada Xarardheere iyo Galcad ayaa imaneysa ayada oo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu u muuqdo inuu hadda ka xoogeysanayo maamul goboleedka Galmudug.

Horseed Media