Galmudug kahor Damuljadiid – Faallo / Video

Published: January 18, 2017

Maalintii shalay ayey ahayd markii ciidamada NISA ee sida gaarka ah uga amar qaata Madaxweynaha Xilka laga qaaday ee Galmudug Cabdikariim Guuleed ay weerar ku qaadeen ciidamada Booliiska ee magaalada Cadaado ee illaaliya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Falkan ayaa kusoo beegmay xili maalmihii lasoo dhaafay ciidamada NISA ay dhaq dhaqaaq iyo caburin saxaafada iyo xildhibaanada ah ka wadeen xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug.

Weerarkii shalay ayaa ahayd tilaabadii ugu danbeysay oo uu Cabdikariim Guuleed doonayo inuu awood militari kula wareego maamulka Galmudug, kadib markii inta badan Xildhibaanada Galmudug ay cod aqlabiyad ah xilka uga xayuubiyeen.

Guuleed ayaa ku doodaya in xil ka qaadistiisa ay tahay mid aan sharci ahayn, balse Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay inuu dacwadiisa soo gudbiyo oo uu cadeeyo sharci darada uu sheegayo. Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 Xildhibaan ayey 54 cod cad ku taageereen mooshinkii xilka looga qaaday Madaxweynaha Galmudug.

Dagaalka ka dhacay Cadaado ayaa ka dhigaya magaaladii ugu xasilooneyd gobalada dhexe inuu Cabdikariim Guuleed oo adeegsanaya ciidamada NISA uu ka dhigay goob dagaal oo ay cabsi ka jirto.

Odayaasha magaalada Cadaado oo Isniintii la kulmay Cabdikariim Guuleed ayaa ka codsaday inuusan dagaal ka ridin magaalada, balse Guuleed ayaa sida la sheegay ugu jawaabay hadal ah “….Ma jiro Nin ogolaanaya in Gurigiisa ay cidkale la maamusho….” ayuu yiri isagoo ka dhigay maamulka Galmudug guri uu isagu leeyahay xildhibaanaduna yihiin qolo kale oo la maamuleysa.

Fikirkan ayaa laga cabsi qaba inuu horseedo xiisado horleh maadaama Guuleed uu xiliga isku haleenayo taageerada Madaxweynaha Wakhtiga ka dhamaaday Xassan Shiikh Maxamuud oo amar ku bixiyey in ciidamada NISA ee la geeyey Cadaado ay ka amar qaataan Cabdikariim Guuleed oo kaliya.

Galmudug kahor Damuljadiid

Kahor intii aan la dhisin maamulka Galmudug ee uu hogaanka u qabtay Cabdikariim Guuleed ayaa ahayd deegaano ay ka jireen sadex maamul oo kala duwan oo kala ahaa Galmudug oo inta badan ku sugneyd Koonfurta Gaalkacyo, Maamulka Ximin iyo Xeeb oo xarun u ahayd Cadaado iyo Ahlusunna Waljamaaca oo iyadu ka talineysay in badan oo kamid ah gobalka Galgaduud.

Xisbiga Damuljadiid oo ay hogaanka u hayeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdikariim Guuleed ayaa xusul duub weyn u galay in doorashadii Galmudug ee ka dhacday Cadaado uu kusoo baxo Guuleed oo xiligaasi kusoo fashilay Wasiirka Amniga kadib markii uu xisilin waayey amniga magaalada Muqdisho.

Doorashadii Cadaado ee Galmudug ayaa la xasuusta qaabka ay u maareysay Xukuumada Damuljadiid gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Odeywaa iyo Guddigii Doorashada oo lagu eedeeyey inay si weyn u musuq maasuqeen, sida ay sheegeen murashaxiintii xiligaasi la tartameysay Guuleed.

Duulaankii Damuljadiid ee Ahlusuna Wajamaaca

Kahor doorashadii Cabdikariim Damuljadiid ayaa xiisad dagaal kasii bilowday gobalada dhexe iyadoo damacday inay awood ciidan kula wareegto dhulka ay ka taliso Ahlusuuna Waljamaaca kadib markii ay diideen inay xal siyaasadeed kula heshiiyaan ururkaasi awooda ku lahaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana la xasuustaa duulaankii ay hogaaminayeen Mahad Salaad iyo xubno kale ee ka tirsan Damuljadiid oo ay ku qaadeen Ahlusunna oo ugu danbeyntii fashil iyo jab ciidan kusoo dhamaaday.

Guuleed ayaa xiligii uu awooda la wareegay fursad u helay inuu xiriir fiican la yeesho maamuladii ka horeeyey ayaa durbaba bilaabay inuu xiisado horleh ka abuuro deegaanadii gobalka Galgaduud ee horey u xasiloonaa sida Caabudwaaq, kuna guuleysan waayey inuu xukumadiisa geeyo caasimada rasmiga ah ee Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay weli ka taliyaan Ahlusuna Waljamaaca.

Dhinaca Waqooyiga maamulkii hore ee Galmudug ee ku koobnaa Koonfurta Gaalkacyo ayaa inta badan xiriir la lahaa maamulka ay jaarka yihiin ee Puntland, xiriirkaasi oo gaaray heer ay ka wada shaqeeyaan booliiska labadaasi maamul amniga magaalada labadeeda dhinac. Hase yeeshee arrintan ayaa wax weyn iska bedaleen markii Xukuumada Cabdikariim sheegtay inay xaduudeeda tahay degmada Burtinle oo ka tirsan dhulka Puntland, xiisadaasi siyaasadeed oo markii danbe isu bedashay dagaaladii waaweynaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ximin iyo Xeeb oo la Tabay!

Magaalada Cadaado ayaa kahor intii Damuljadiid imaan ahayd mid xasiloon oo lagu tilmaamo magaalada ugu amniga badan gobalada dhexe, arrintaasi oo ah mid ay ka shaqeeyeen shacabka magaaladaasi ku dhaqan iyo waxgaradkooda oo horey u dhistay maamulkii Ximin iyo xeeb. Maamulkaasi oo ahaa kii marti geliyey shirkii lagu dhisay Galmudugta cusub si sharaflehna awooda ugu wareejiyey Xukuumadii uu hogaaminayey Cabdikariim Guuleed.

Waxaa hada muuqata magaaladii ugu danbeysay ee xasilooneyd ee Cadaado in Cabdikariim ka doorbiday inuu dagaal iyo carqalad ka abuuro markii uu ku guuleysan waayey inuu hortago Baarlamaanka Galmudug iskana difaaco dhaliisha iyo mooshinka ay kasoo gudbiyeen inta badan xildhibaanada Galmudug.

Dad badan ayaa aaminsan in Cabdikariim Guuleed wakhtiga & Dhaqaalaha uu ku bixiyey dagaalka uu ku qaaday mucaaridkiisa, maamulada deriskalaha iyo Safarada uu ku tago Muqdisho, mid lamid ah uu gelin lahaa la dagaalanka Al Shabaab oo gacanta ku heysa in badan dhulka uu sheegto inuu ka badbaadi lahaa dhaliisha iyo kacdoonka ka bilowday Cadaado.

Cabdikariim ayaa hada doonaya inuu xaalad deg deg ah ku hayo 90ka maalmood ee soo socda magaalada Cadaado, sida uu rajeenayo Doorashada Madaxweynaha Federaalka hadii uu ku guuleysto Xassan Shiikh Maxamuud inuu markale helayo taageero ciidanka (NISA), si uu awood militari iyo cago jugleyn ugu sii xukumo Galmudug.


Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *