Galmudug: Ma aha in la isku qaldo gogol, guddoon iyo go’aan -OPINION

Published: August 18, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame – Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir

Galmudug waxey fidisay gogol, inta kalena gogoshii Dhuusamarreeb 1 iyo 2 soo ajiibeen. Sababta Puntland iyo Jubbaland ay u diideen in ay gogosha Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho aqbalaan waa in ay isku haleeyeen Dhuusamarreeb oo ay u arkayeen in ay dhexdhexaad ah tahay, kama marnayn in dadka deegaanka dan siyaasadeed lagu xeerto.

Laakiin Guddoonka shirka waxaa leh Madaxweyne Farmaajo oo ka naxsanaa guulaha Dhuusamarreeb 1 iyo 2. Wuxuuna u tafa xaytay in uu fashiliyo, isagoo inkiray heshiiskii Dhuusamarreeb 1 iyo 2, kuna dooday in heshiis horay loogu gaaray Baydhabo June 2018. Sharci darro ayuu ku riday Raysalwasaarihii, isagoo ku qoonsaday maxaad qayb uga ahayd guusha shirka Dhuusmarreeb, wuxuuna ku bedeshay mid xil gaarsiin ah oo dastuurka meelna kaga ool. Waa guddoon gogol dhaan ah.

Intaa kuma ekeysan ee Farmaajo go’aankii wuxuu siiyey gole muddo xileedkiisii dhammaaday, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaro Dhuusamarreeb 3 uu Golaha Shacabka go’aaniisa leeyahay.

Ujeedka Farmaajo waa in uu Dowlad Goboleedyada kala dilo, shirka Golaha Ammaanka ee 20 bishan dhacaya heshiis been been ah ku dhaafo, islamarkaana uu ku eed la’aado.

Haddaba ma gardarna ninkii ka biya diida guddoonka gogol dhaanka ah, kana dhiidhiya go’aanka la siiyey Golaha (Baarlamaanka) ee muddo xileedkiisu dhammaaday, dalbadanna in la magacaabo RW si dheellitiranka siyaasadda la dhowro.

Xeerka Ninka gogosha dhigay waa in uusan dhinacna la safan, gar eexeedna gelin, godob ka gelin raga jaalkiisa ah oo shalay wax ku xeertay, dushana u ridan eed nin kale leeyahay.

Si gogosha loo badbaadiyo waa in Madaxweyne Farmaajo uu Raysalwasaare magacaabo, madaxweynaha Galmudug-na uu dadka maqan doono, beesha caalamkana caddeyso in ay Farmaajo damiin ka tahay.

Waxaa qorey Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *