Galmudug oo baaraysa dil wadareedkii ka dhacay deegaanka Saax-Qurun

Published: July 12, 2021

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan dilka dad isku qoys ahaa oo dabley hubeysan oo aan haybtooda la aqoon ay ugu geysteen deegaanka Saax-qurun ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay mid kamid ah Warbaahinada Maxaliga ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan kooxihii falka ka dambeeyay.

Waxa uu sheegay in Ciidamo booliis ah ay wadaan Baaritaano lagu daba galayo dableyda falka geysatay isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Qoyska dil wadareedkan loogu geystay duleedka deegaanka Saax-Qurun ayaa ka koobnaa 2-carruur & Aabahood , waxaana weerarkaas ku dhaawacmay Wiil 8-sano jir ah lamana oga sababaha rasmiga ah ee loo beegsaday inkastoo warar aan la xaqiijin karin ay sheegayaan in ay salka ku hayso aano qabiil.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Dowladda Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare oo ka hadlay dilka loo geystay qoyskan ayaa sheegay in falkan ay geysteen alshabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya deegaano hoos taga dowlad goboleedka Galmudug,waxaana dilkan uu argagax ku reebay dadka shacabka ah kuwaasoo u badan xoolo dhaqato.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *