Galmudug oo gacanta ku dhigtay ajaaniib ay muddo heysteen Al-Shabaab

Published: November 27, 2022

Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee Galmudug ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya. 

Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen.

Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere xalay. 

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen. 

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.

Horseed Media