Galmudug oo heshiis dhul ah la saxiixatay Qaramada Midoobay

Published: February 11, 2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta heshiis dhul loogu asteeyay Xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday kusimaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.

Horseed Media