Galmudug oo ka cabatay culeyska uga yimid arday ka soo beddalaneysa iskoolada Puntland

Published: August 8, 2022
Shares8
Wasiir-kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khalii
Wasiir-kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khalii

Dowalad Goboleedka Galmudug ayaa cabasho ka muujisay ardey reer Puntland oo dugsiyadooda sare iska diiwaangelinaya sanadihii ugu dambeeyey.

Galmudug ayaa sheegtay inay ardaydaas ay usoo bedesheen si ay u galaan Imtixaanka dhexe ee shahaadiiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir-kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khaliif ayaa sheegay inay culeys ku hayaan ardaydaasi, isagoo xusay inay waayeen meel imtixaanka loogu qaado kadib tiro badnaantooda.

Wasiir-kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khalii ayaa sheegay in culeyska arydaasi uu jiray ilaa iyo sanadkii hore ayna la socdaan Maasuliyiinta wasaaradaha Waxbarashada, siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaasha labada Maamul.

Sidoo kale waxa uu xusay inay jireen arimo ka taagnaa dhanka waxbarashada balse hada ay ka heshiiyeen labada Wasaardood ee Waxbarashada Puntland iyo Galmudug.

Masuulka ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in arintan ay soo bilaabatay xilligii Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Goodax Barre ee khilaafka Shahaadooyinka.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Puntland ay ka taagan tahay dhibaato ka dhalatey qiimaha lagu iibinaayo manhajjka cusub halkii buug, kaas oo Soomaaliyada kale ka qaalisan in ka badan 45%, iyada oo waalidiintu sheegeen in aysan awoodin.

Ma jirto weli wax garaabid ah oo laga helay wasaaradda, iyada oo wasaaradda waxbarashadu ay leedahay madbacad muddo soo jirtey ayaa la siiyey daabadda cusub shirkad gaar loo lee yahay in ay daabacdo buugta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *