Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay qarax xoogan oo maanta duhurkii Ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga…
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay qarax xoogan oo maanta duhurkii Ciidanka qeybta 21-aad ee xoogga dalka lagula eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa Idaacadda VOA u sheegay qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso in gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidanka dowlada lagula eegtay deegaanka sinna-dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb.
” Baabuur isagu jidka si nabad ah ku marayey oo ay ciidamadu leeyihiin ayaa saaka miino la qaraxday 2 nin oo ciidamada ah ayaana ku dhintay alle ha u naxariistee, dagaal iyo iska caabin meesha ka jirta maahayn “
Wasiir Falagle
Ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana xusid mudan in Shabaab iyo Ciidanka uu dhexmaray dagaalo geystay khasaaro kala duwan.
Horseed Media