Galmudug Oo Lagu Wareejiyey Maleeshiyaad Iyo Gaadiid Dagaal

Published: October 18, 2020

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmhan socdaal ku marayay gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu wareejiyey gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ciidan oo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

Ciidanka iyo Gaadiidka maanta lagu wareejiyay madaxweynaha ayaa ka mid noqonaya ciidamada darwiishta Galmudug.

Odayaasha beesha Celi ee wareejiyey ciidanka ayaa sheegay in maalmaha soo socdana wareejin doonaan qaybta labaad ee gadiidka beesha oo hada sameys iyo dayaactir ku jira.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa beesha Celi uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dowlada Galmudug, isagoo ugu baaqay beelaha kale ee waqooyiga Galgaduud inay ayaguna soo wareejiyaan qalabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *