Galmudug oo shaacisay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah

Published: May 16, 2023
Shares2

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay, in dhammaadka sanadkan uu qaban doono doorasho qof iyo cod ah.

Doorashadan ayaa la qorsheynayaa in ka dhacda lixda degmo oo katirsan deegaanada Galmudug.

Kulan uu yeeshay golaha wasiiradda maamulkaas, ayaa lagu sheegay, in la joogo xilligii shacabka ay dooran lahaayeen mas’uuliyiintooda.

Dadka dhaliilsan qorshahan ayaa ku doodaya, in maamulka uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) uu ujeedooyin kale ka leeyahay doorashada qof iyo codka ah.

Horseed Media