Galmudug oo sheegay in dhawaan ay si buuxda ula wareegayaan deegaanadooda

Published: January 29, 2023

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray 80% gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka GalMudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa haatan u jiheystay inay gacanta ku dhigaan degmada Ceelbuur.

Degmadani, ayaa ah tan ugu weyn ee ay Al-shabaab kaga sugan yahay gobolka Galguduud.

Galguduud, ayaa kamid ahayd gobollada ay ku xoog badnaayeen ururka Al-Shabaab, xiliyadii ugu dambeeyey lagu hayey duullaan xooggan.

Guddoomiyaha Galguduud ayaa sheegay ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay uga bixin lahaayeen Alshabaab deegaanada ku xeeran Xarardheere.

Horseed Media