Galmudug oo soo bandhigtay askari loo heysto dilkii Taliye Faarax Cumar & walaashiis Xaawo Cumar

Published: July 19, 2022

Ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ayaa xalay gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan dilka Allaha u naxariistee taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda maamulkaasi Faarax Cumar Geelle iyo walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Dilkaas naxdinta leh ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Caabudwaaq, iyadoo uu goobta ka baxsaday askarigii ka dambeeyey oo xalay la soo qabtay.

Ninkaan oo ah Askari katirsan Ciidanka Millateriga ayaa howlgal xalay laga sameeyay duleedka degmada Cabudwaaq lagu soo qabtay.

Saraakiisha Galmudug ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in askarigan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *