Galmudug oo wada diyaargarowga howlgal ay dooneyso inay kula wareegto degmada Ceelbuur

Published: March 22, 2023

Maamulka Galmudug ayaa wada diyaargarowga howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Ciidamo frabadan oo ay ku qabsanayaan degmadaasi.

Horay guluf ay horkacaysay Dowladda Soomaaliya ayaa la isku dayay kaasi oo lagula waregayo degmada Ceelbuur, balse lagu ma guuleysan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan maamuladda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Horseed Media