Galmudug oo xabsiga dhigtay Odayaal heshiis la soo galay Al-shabaab

Published: December 25, 2022
Shares4

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saaka Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada Al-shabaab haysato ee Galmudug.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Odayaashan la xiray loona gudbiyay Dhuusamareeb.

“Odayaasha waa la xiray Waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Khawaarij ay la tacaamusho” ayuu yiri General Xasan Jaamici.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa dhankiisa sheegay in Odayaashan ay dambiilayaal yihiin talaabana laga qaadayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Horseed Media