Gambia oo Ka Mamnuucday Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda inay Safraan

Published: March 14, 2020

Dowladda Gambia ee galbeedka Qaarad afrika ayaa gebi ahaanba joojisay in madaxda iyo dalkaasi ay u safraan dalka dibadiisa si looga hortego faafintaaga cudurka Coronavirus.

Ma jiro kiisas cudurka ah oo laga helay dalka Gambia, hase yeeshee wadanka Sengeal oo saddex dhinac deris kala ayaa laga helay 6 kiis oo cudurka ah.

Dowladda waxay kaloo soo rogtay go’aan lagu baarayo dhammaan madaxda iyo saraakiisha dalkaasi ee socdaalka u tegay adduunka ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus ay gaartay 5000 kun qof, halka tirada dadka uu asiibay ay tahay 132,500 kun oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *