Ganacsade lagu dhaawacay magaalada Bosaso

Published: January 28, 2017

Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland-Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay mid ka mid ah ganacsatada magaalada.

Ganacsadaha la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Burhaan Ilka-dhagax, waxa uuna dhaawaciisu yimid markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen.

Dhaawaca ganacsade Burhaan ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada, iyadoo kooxdii dhaawaca u geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidadamada ammaanka ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta oo baaritaano wada.

Dhawaan ayey ahayd markii magaalada Bosaso lagu dhaawacay nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo marki dambe dhaawaca awgii u geeriyooday.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *