Ganacsatada shidaalka Puntland oo cashuur xad-dhaaf ah ka cabanaya

2 days ago

Ganacsatada shidaalka Puntland ayaa shaqadii joojiyey kadib markii ay sheegeen in maamulka Puntland kor u qaadey cashuurta waddo marista ee sanadlaha ahayd.

Maxamuud Siciid Cismaan oo ka tirsan ganacsatada shidaalka ayaa VOA u sheegay in ay ka cabanayaan cashuur aad u badan oo sanadkan hadda dhashey lagu kordhiyey.

Ganacsade Maxamuud ayaa sheegay in cashuurta waddo marista ee booyadaha shidaalku sanadkii uu ahaan jirey $146, laakiin sanadkan cusub ee 2025 lagu soo rogey in cashuurta loo qaadaayo saddexdii bilood mar qiimahana aysan waxba iska beddelin taas oo qiimahaan kor u kaaysa boqolkiiba afar boqol 4×146 = 585USD.

Arrintan ayaa durba saameysey ganacsiga guud waxaa xiran kaalimo shidaal oo badan oo ku yaala magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo meelo kale, waxaa istaagey qaar kamid ah wershadaha Puntland, waxaana la saadaalinayaa in qiimaha shidaalku uu kor u kaco magaalooyinka ka baxsan Boosaaso.

Ganacsade Maxamuud Siciid ayaa sheegay in ay qiimaha shidaalka kor u qaadi karaan maadaama cashuur badan la soo rogay laakiin ay shacabka u turayaan ilaa haddana ay jawaab ka sugayaan Dowladda Puntland.

Shidaalka ayaa ka mid ah waxyaabaha daruuriga ah ee aan sinaba looga maarmi karin.

Horseed Media