Ganacsi iyo Dhisme xoogan ayaa Qardho ka socda [Sawiro]

Published: February 5, 2012

Iyadoo magaalada Qardho bilihii ugu danbeeyey uu ka jirey hormar dhanka ganacsiga ah ayaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar waxaa ka soconaya dhismeyaal kala duwan kuwaas oo loogu talagalay in laga sameeyo ganacsi kala duwan taas oo la filaya in wax weyn ay ka badali doonto bilicda iyo tartanka ganacsiga ee ka bilowday magaalada Qardho.

Dhismeyaal daqabyo ah ayaa haataan waxa ay ka socdaan faras magaalaha Qardho dhismayaashan oo ay bulshadu ku tilmaantay hormar dhanka ganacsiga ah oo lagaarey iyadoo arintaani ay keeni karto in dad badan ay usoo jeestaan sidii ay u maalgalin lahaayeen magaalada qardho.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa magaalada waxaa laga dareemayey koror dhanka ganacsiga ah iyada oo magaalada ay soo gaareen dadka soo laabtay qurbaha oo ka sameeyey goobo ganacsi,waxa ay shacabka ku tilmaameen arintaan hormar ku aadan dhanka hormarka ganacsiga.

Magaalada Qardho waa xarunta gobolka Karkaar waxa ay leedahay cimilo wanagsan oo ku haboon ganacsiga, waxaana sanad walba usoo xagaabaxa dad badan oo ka yimaada dhanka magaalada Boosaaso, hadii ay sii socdaan ganacsiga iyo dhismooyinka laga wado magaalada waxaay keeni kartaa in ay dadbadani usoo guuraan magalad Qardho.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Black]

Horseed Media

Qardho