Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sano lagu soo dhaweeyay Laascaanood

Published: January 23, 2023
Shares2

Garaadka guud ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa 15 sano kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Laascaanood. 

Garaadka waxaa afaafka hore ee magaalda kumanaan shacab ah kuwaas wata calanka Soomaaliya. 

Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood. 

Garaadka ayay Laascaanood ugu danbaysay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood 15-kii October ee sannadkaas.

Horseed Media