Garaad Jaamac Garaad Cali oo ciidamada Somaliland ku eedeeyay argagixisonimo

Published: January 31, 2023

Garaad ka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo u jawaabayay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in gobolka Sool aanay argagixiso joogin, isaga oo ciidamada Somaliland ku eedeeyay argagixisonimo.

Garaad Cali ayaa sheegay in dadka shiraya anay argagixiso ahayn, wuxuuna inta ku daray in hadalka madaxweynuhu uu dhibaatadii hore ee jirtay sii hurinayo.

Garaadku ciidamada Somaliland ayuu argagixiso ku tilmaamay, waxaanu sheegay in anay jirin argagixiso aan ciidamada Somaliland ahayn oo gobolka joogta.

Garaad Jaamac ayaa intaas ku daray “Waxaanu adduunka ugu baaqay in anay taageerin ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato kasoo gaadhay shacabka ku dhaqan gobolada SSC, waxaanu sheegay in anay jirin argagixiso Sool joogta”

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka hadlay xaalada gobolka Sool, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Laascaanood ay kooxo argagixiso ah oo umada isku dirayaa fuliyeen.

Horseed Media