Gargaar loo diray Degmada Afmadow oo khasaare kasoo gaaray Roobabka

Published: November 25, 2023

Gargaar isugu jira Daawooyin, Raashin, Doomo iyo bacaha Roobka la isaga dhigo ayaa la gaarsiisay Degmada Afmadow.

Degmadaasi ayey saameeyeen Fatahaadihii Roobabkii ka da’ay gobalada Jubaland.

Xildhibaanada ayaa waxa gargaarka kala wareegay taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islaam.

Wuxuuna uu uga mahadceliyey Xildhibaanada gargaarka ay soo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee Degmada Afmadow.

Gargaarkan ayaa waxa Deegaanka Gaarsiiyey Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Senotarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay degmada Afmadow.

Horseed Media