Garoowe: Booliiska oo gubay Khamri iyo Xashiish tiro badan

Published: July 30, 2022
Shares48

Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magaladda ayaa meel fagaaro ah ku burburiyay khamriga gaaraya 100 dhalo iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee Calaqda loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan oo ay ciidamadu qabteen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar kamid ah sidii Hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo halka kuwo kalana gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

Taliyaha ayaa sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *