Garoowe: Carwada New-Waamo oo hadiyad gudoonsiisey ciyaartoy ka tirsan xulka Karkaar [Sawiro]

Published: February 11, 2012

Magaalada Garoowe waxaa maanta hadiyado kala duwan lagu gudoonsiiyey Bashiir Siciid Cismaan (Indho-yare) oo ah ciyaartoygii dhaliyey goolkii 1-aad ee lagu daah furay ciyaartii ay shalay wada yeesheen labada xul ee gobolada Mudug iyo Karkaar.

Hadiyadan oo ah mid ay bixisay carwada New-Waamo ee caasimada ku taal ayaa kahor intii aysan ciyaartii xiisaha badnayd ee shalay bilaabmin waxaa balan qaaday mulkiilaha carwadaas isagoo sheegay inuu siin doono ciyaartoyga goolka 1-aad dhaliya.

Bashiir (Indho-yare) oo isagu ahaa laacibkii dhaliyey goolkii 1-aad ee ay xulka gobolka Karkaar shalay ciyaarta ku daah fureen ayaa maanta abaal marintaas lagu gudoonsiiyey isla gudaha carwada, waxaana xiligaas goob joog ahaa maamulka iyo mulkiileyaasha carwada New-Waamo oo kamid ah carwooyinka ugu waaweyn magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Maamulka carwada dharka iyo udugga ee New Waamo Garoowe Cabdikariim (Dhego weyne) oo Horseed Media xiligii ciyaartoygan hadiyada uu gudoonsiinayey la hadlay ayaa sheegay in abaal marintani ay tahay mid uu isagu si shakhsiyan ah u gartay inuu gudoonsiiyo ciyaartooygii goolka 1-aad dhaliya si uu ciyaaryahanada kale ugu dhiiri geliyo.

Waa markii ugu horeysey intii uu tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland socdey ee la bixiyo abaal marin noocan oo kale ah, waxayna carwada New Waamo noqotay carwadii ugu horeysey ee ciyaartoy hadiyad gudoonsiisa.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe