Garoowe: Ciidamada Booliska oo qabtay lix kartoon oo khamri ah

Published: June 4, 2024

Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyeen caasimadda Garoowe waxay ku soo qabteen dhowr kartoon oo ah maandooriyaha khamriga iyo raggii ka ganacsanayey.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay lix kartoon oo khamri ah, kadib markii ay heleen xogta maandooriyahan oo ay ku qabteen midkamida xaafadaha magaaladda oo xiligaas la geeyay.

Madasha lagu soo bandhigayay maandooriyaha waxaa goob joog ahaa Hogaanka Booliska iyo ku-xigeenadooda sida Taliyaha qaynta Booliska Gobolka Nugaal, Tlaanta ilaalinta canshuuraha, Taliye ku-xigeenka qaybta,Taliyaha Hawlgalinta gobolka , Taliyaha Saldhiga Dhexe iyo Saraakiisha ciidanka Xoojinta amniga Caasimadda.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Marduuf oo ka hadlay madashii lagu soo bandhigayay Khamriga ayaa u mahadceliyay ciidamadii howlgalkan fuliyay iyo bulshadii xog bixiyaasha ahaa.

Horseed Media