Garoowe: Ciyaarta Final-ka oo goor dhow bilaabmi doonta

Published: February 12, 2012

Ciyaarta Finalka oo ay galabta isku arkayaan labada xul ee Karkaar iyo Nugaal ayaa maanta noqotay waxa ugu weyn ee ay warbaahinta guduhu diiradda ku hayso, waxaana la filayaa inay daawashadeeda kasoo qayb galaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Puntland.

Qaar kamid ah howl wadeenada Horseed Media oo iyagu garoonka ay galabta ciyaartaasi ka dhacayso ee Mire Awaare ku sugan ayaa mar aan goor dhow khadka telefoonka kula xiriirnay sheegay inay garoonka soo buux dhaafiyaan kumanaan qof oo taageerayaal ah kuwaas oo wakhti hore boosaskooda sii qabsaday si aan Tikidhada looga dhamysan.

Wakhtiga ay ciyaartaasi bilaabmi doonto ayaa ah 9:30 oo ku beegan salaada casar kadib ee wakhtiga gobolka geeska Africa, waxaana maanta si aad ah lo adkeeyey ammaanka garoonka iyo xaafadaha ku dhow dhow.

Horseed Media waxay bahweynta Soomaaliyeed ugu bishaareynaysaa inay usoo gudbin doonto Video muujinaya qaabka ay ciyaartaasi u dhacdo iyo weliba khudbadaha ay mas’uuliyiinta kasoo qayb gelyaa jeedin doonaan.

Horseed Media