Garoowe: Dastuurka Puntland oo maanta la daah furay [Codad+Sawiro]

Published: February 8, 2012

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo lagu daah furayey Dastuurka cusub ee Puntland lagu dhaqi doono si looga guuro nidaamka maamul iyo doorashooyinka ku dhisan hab beeleedka looguna gudbo Dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorasho ee axsaabta badan.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu saraysa dowlada Puntland kuwaasoo uu ugu horeeyey madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo kan Baarlamaanka iyo weliba xubno metelayey bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa ugu horeyn ka hadlay agaasimaha PDRC Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke , wuxuuna sheegay in kulankani uu yahay mid taariikhi ah isagoo dhinaca kale u mahad celiyey dhamaan marti sharafta kasoo qayb gashay.

Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Puntland Cabdi Xasan Jimcaale oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa isna ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka Puntland, wuxuuna intaas raaciyey in guusha ugu weyn ee Dastuurkan laga dhaxlayaa ay tahay sidii looga gudbi lahaa hab maamulka beelaysan.

Dhegeyso codka Dr Jimcaale

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/cabdi-xasan-jimcaale.mp3″]

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii madashaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey qaabka la doonayo in bulshada Puntland loo fahansiiyo hanaanka doorashooyinka wuxuu sidoo kale sheegay inay socdana islamarkaana ay meel fiican marayaan barnaamijyo wacyi gelin ah oo laga wado dhamaan deegaanada Puntland kuna aadan sidii bulshada doorashooyinka fahan guud looga siin lahaa.

Dhegyso codka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka
[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/gudoomiyr-maxamed-xasan-bare.mp3″]
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo isagu Dastuurka si rasmi ah u daah furay ayaa ka warbixiyey marxaladihii ay dejinta dastuurku soo martay iyo isbedelka uu Dastuurkani ku yeelan doono horumarka iyo mustaqbalka dadka iyo deegaanka Puntland.

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/faroole.mp3″]

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe