Garoowe: Jaamacadda PSU oo boqol arday u bilowday waxbarasho lacag la’aan ah [Sawiro]

Published: February 1, 2012

Jaamacadda PSU (Puntland State University) ee Garoowe ayaa maanta koorso free ah oo mudo kooban socon doonta u bilowday arday ay tiradoodu 100 tahay.

Koorsadan oo ay dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday dowlada Talyaaniga islamarkaana lasoo marsiiyey hay`adda UNDP ayaa ah mid lagu baranayo maamulka xafiisyada Computerka iyo xisaabaadka, waxayna socon doontaa mudo 6-bilood ah.

Munaasabadii ardaydan oo 30 kamid ahi ay gabdho yihiin waxbarashada loogu furayey ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda PSU, waxaana kasoo qayb galay mas`uuliyiin ka kala socdey maamulka Jaamacadda iyo hay`adda UNDP.

Ugaas Cismaan Xasan oo ka tirsan maamulka Jaamacadda PSU ayaa ugu horeyn munaasabadaas ka hadlay, Ugaasku wuxuu ka warbixiyey qaabka ay koorsadani u baxayso iyo waxa ay ardayda ka faa`iideysanayaa barayaan, wuxuuna sheegay inay socon doonto mudo 6-bilood ah ardayduna ay baranayaan Computerka, maamulka xafiisyada, iyo xisaabaadka iyagoo sidoo kale mudada ay waxbarashada wadaan qaadan doona xoogaa dhaqaale ah.

Hormuudka Jaamacadda PSU Maxamuud Sheekh Xaamud oo isna intaas kadib hadalka qaatay ayaa tilmaamay in ardayda koorsadan qaadanayaa ay heleen fursad qaali ah loona baahan yahay inay ka faa`iideystaan, Mudane Xaamud waxa kale oo uu sheegay in ardaydii horay codsiyada usoo gudbistey si ay koorsadan u qaataan ay gaarayeen 500 oo arday haseyeeshee ay ku guuleysteen Imtixaankii lagu kala baxayey boqolka arday ee maatna waxbarashada loo furay.

Cabdirisaaq Xasan Aadan oo isna ka socdey hay`adda UNDP ayaa sheegay in mashruucan dhaqaalaha ku baxayaa uu ka yimid dowlada Talyaaniga lana soo marsiiyey hay`adda UNDP islamarkaana ay fulineyso Jaamacadda Puntland State University ee Garoowe, Cabdirisaaq Xasan waxa kale oo uu ku booriyey ardayda koorsadan inay qaataan nasiibka u yeeshay inay si fiican uga faa`iideystaan maadaama jaaniska ay heleeni uu yahay mid aan qof walba soo marin.

Ma ahan markii ugu horeysey oo waxbarasho noocan oo kale ah laga bilaabo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland haseyeeshee waxaa sanad walba koorsooyin caynkan oo kale ah oo lagu baranayo maamulka xafiisyada iyo xirfadaha laga bixiyaa goobo badan oo kamid ah xarumaha waxbarashada ee ku yaala magaalooyinka ugu waaweyn Puntland sida Boosaaso, Garoowe, Gaalkacayo, iyo Qardho.

Jaamacada PSU oo iyadu koorsada maanta la bilaabay bixinaysana waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu magaca iyo faca weyn kuwa ka jira guud ahaan Puntland waxaana wax ka barta arday kor u dhaafeysa 1,200 oo qof.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe