Garoowe: Karkaar iyo Nugaal oo badiyey, Bari iyo Haylaan oo haray [Sawiro]

Published: February 6, 2012

Ciyaaro aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland ayaa galabta ka dhacay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Qaybta hore waxaa is arkay labada gobol ee Karkaar iyo Bari, gobolka Karkaar ayaa guushu ku raacday 1-0, goolka guusha Karkaar waxaa u saxiixay ciyaar yahanka lagu magacaabo Daac ee u qaata lanbarka 11-aad.

Gobolka Bari oo kusoo bixi lahaa in uu galabta goolal badan ku badiyo wuu haray umana suurta gelin inuu u gudbo wareega 4-dhamaadka taranka oo ay 4-kooxood isugu soo hari lahaayeen.

Qabta danbe ee ciyaaraha galabta waxaa madaxa is daray labada xul ee Nugaal iyo Haylaan, xulka Nugaal ayaa ku badiyey natiijo aan horay intii tartanku socdey koox kale ugu badin oo ah 4-2.

Xulka gobolka Haylaan iyaguna tartanka way ka hareen waxayna rajada qura ee ay kusoo bixi lahaayeeni ahayd hadii ay Nugaal ka badin lahaayeen gobolka barina dhibco la`aan la diri lahaa.

Haylaan 2-da gool waxaa galabta u dhaliyey ciyaaryahanka u qaata 9 ee Maxamed Deeq lagu magacaabo, Nugaalna 4-ta gool ee ay ku badiyeen waxaa labo kamid ah dhaliyey Ismaaciil Cabuyo 19, labada kalena waxaa kala dhaliyey Fahad 9, iyo Muuse Yare.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe