Garoowe: Karkaar oo Final-ka usoo gudbey iyo Mudug oo boorka lagu jiidey

Published: February 10, 2012

Ciyaar xiisa badan oo ka tirsan tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland ayaa galabta ka dhacday garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Ciyaartan oo ahayd mid loogu soo baxayo wareega kama danbeysta ah ayaa waxaa isku herdiyey lababada xul ee Karkaar iyo Mudug.

Xulka karkaar ayaa galabta guushu 2:1 ku raacday waxaana labada Gool u kala dhaliyey labada ciyaartoy ee kala ah Daac-11 iyo Bashiir (indho yare)-5.

Goolka qura ee uu gobolka Mudug galabta keensaday oo Rikoore (gool ku laad) ahaa waxaa u dhaliyey C/qaadir John oo xirta lanbarka-11 kana mid ah ciyaartoyda ugu cad cad xulka kubadda cagta ee Mudug.

Xulalka kubadda cagta ee gobolada Karkaar iyo Mudug oo galabta ciyaar wanaagsan soo bandhigay ayaa waxaa fursado badan oo ay goolal ku keensan lahaayeen iska khasaariyey xulka Mudug.

Karkaar waxay ciyaarta Final-ka ah oo 12/2/2012 dhici doonta ay wada dheelayaan gobolka Nugaal oo isagu kusoo adkaaday ciyaar ay wareegii isreeb reebka labadan xul soo wada yeesheen.

Dhinaca kale waxaa galabta garoonka Mire Awaare ku sugnaa islamarkaana ciyaarta daawanayey gudoomiyaha gobolka karkaar oo isagu markii ay soo gaba gabowdey kadib si kooban Saxaafadda ula hadlay.

Cabdi-quraan oo ah gudoomiyaha Karkaar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha ay xulka magaca Karkaar ku dheelayaa gaareen isagoo u hanbalyeeyey xulka galabta laga badiyey ee Mudug.

Tartanka kubadda cagta ee ka socda magaala-madaxda Puntland ee Garoowe oo ah kii 6-aad ayaa sidoo kale ah mid kuwii hore ka xiisa badan, 8000 oo qof dad kor u dhaafaya ayaana galab kasta usoo daawasho taga garoonka kubadda cagta Garoowe ee Mire Awaare.

Soo gudbinta wararka ku aadan ciyaaraha gobolada Puntland waxaa gacan weyn ka geysatey shirkadda isgaarsiinta geyigeena ee Golis.

Horseed Media